Qaramada Midoobay oo ka hadashay Heshiiskii Golaha Wadatashiga Fariina u dirtay

Qaramada Midoobay ayaa taageertay soona dhaweysay heshiiskii shalay magaalada Muqdisho ku gaareen golaha wadatashiga qaran , kuwaa oo isku raacay in la qabto doorasho hufan sidoo kale soo saaray habraac cusub oo doorasho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay ku faraxsan yihiin heshiiska iyo is afgaradka ku aaddan in la caddeeyo habraaca doorashada iyo dardargelinta doorashada Golaha Shacabka.

Waxa ayna ugu baaqeen Qaramada Midoobay golaha Wadatashiga qaran in la fuliyo go’aamada kasoo baxay shalay lagana dhabeeyo in waqtiga lagu heshiiyay doorashada lagu soo gabagabeeyo

”Qaramada Midoobay waxay aaminsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay tahay fulinta go’aamadan si loo gaaro natiijo la aamini karo oo si weyn loo aqbali karo marka la gaaro waqtiga cusub ee la qabtay ee 25-ka Febraayo.” ayaa lagu yiri qoraalka Q/M  .

Qaramada Midoobay ayaa ku dhiirri-gelinaysaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay sii wadaan wada shaqaynta ku dhisan niyad-sami, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiisado cusub ama khilaaf, ayna diiradda saaraan sidii loo gaari lahaa hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -