Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Adam Abdelmoula (Daawo Sawirada)

-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, ahna isku dubba ridka arrimaha gargaarka dalka, Adam Abdelmoula.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Adam Abdelmoul ayaa looga hadlay barnaamijyada dib-u-habeynta, mashaariicda horumarineed ee qaramada midoobay ay ka sameyso Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha gargaarka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Qaramada Midoobay uga mahad celiyay taageeradeeda dadaallada dib-u-habeynta iyo fulinta mashaariicda horumarinta ee qaybta ka qaadanaya gaarimadda mililooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -