Madaxweyne Donald Trump oo Inkiray in uu u gefay Xaaska Amiir Harry

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa inkiray in uu u gefay ama wax ka sheegay Amiirad Meghan Markle oo ah xaaska Amiir Harry oo ay ayeeyo u tahay Boqorada dalka Ingiriiska.

Amiirad Meghan Markle oo kasoo jeeda dalka Mareykanka ayaa kamid ah dadka siyaasad ahaan kasoo horjeeda Madaxweyne Donald Trump, waxa ayna ku tilmaantay mid kala qeybinaya shacabka dalka Mareykanka sidoo kale neceb dumarka.

Wareysi uu Donald Trump siinayay Wargeyska The Sun ayaa loogu sheegay hadalada ay ka sheegtay Amiirada, waxa uuna xusay in uusan hadaladaasi horey u maqal isagoona wax laga yaq yaqsoodo ku tilmaamay.

“Ma aanan ogeyn taas. Maxaan ka dhihi karaa? Ma aanan ka war qabin inay ahayd wax laga yaqyaqsoodo”, ayuu yiri Mr Trump oo hadalkiisa kusii daray in Meghan Markle ay ku biirtay Qoyska Boqortooyada Britain uuna fuliyo in ay noqoto Amiirad wanaagsan.

Madaxweyne Donlad Trump ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay ku inkiray in uu hadalka amiirada ku tilmaamay mid laga yaq yaqsoodo xili Wargeyska The Sun uu baahiyay codka laga duubay Madaxweyne Trump.

“Waligey Meghan kuma tilmaamin ‘wax laga yaqyaqsoodo, Waxaa sheekadan sameeyay warbaahinta faafisa wararka been abuurka ah, waana lagu qabtay!” ayuu ku sheegay Trump Qoraalka uu soo dhigay Twitterka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa hadalkan ay hadal hayaan Warbaahinta caalamka qaarkood sheegay xili uu isku diyaarinayay safar uu ku tagayo dalka Britain, waxaana sheekadan sidoo kale noqotay mid hadal heyn ka dhalisay baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -