Warqado lagu raadinayo Jehad Serwan oo katiran Al Shabaab oo la daadiyay (Sawirro)

Dadka kunool magaalada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa saakay markii ay soo tooseen waxa ay magaalada ku arkeen Warqado loo maleenayo in diyaarado daadiyeen oo lagu baadi goobayo nin u dhashay dalka Mareykanka oo katirsan Al Shabaab.

Warqadaha lagu daadiyay magaalada Diinsoor ayaa waxaa ku qornaa magaca Jehad Serwan Mustafa oo madaxiisa la dul dhigay lacag dhan 5-Milyan oo Dollar, waxaa sidoo kale warqada ka muuqday sawirka ninkan la baadi goobayo.

Waxaa sidoo kale warqadaha la daadiyay lagu sheegay qofkii keena xog horsiidi kara in ninkaasi nolosha lagu qabto lagu abaal marin doono lacag gaareysa 5-Milyan oo Dollar, waxana ninkan lagu eedeeyeen in uu maleegay qaraxyo iyo weeraro dad badan lagu dilay.

Jehad Serwan Mustafa oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa kamid ah saraakiisha sar sare ee Al Shabaab, waxaana dowlada Mareykanka bishii December ee sanadkii hore ninkan madaxiisa dul dhigtay lacag gaareysa 5-Milyan oo Dollar.

Maamulka Degmada Diinsoor iyo kan Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan wali ka hadlin warqadahan lagu baadi goobayo sargaalkan katirsan Al Shabaab ee lagu daadiyay magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -