War cusub oo ka soo kordhay Shaqo joojintii maanta saameysay Garoonka Aadan cadde

Sida ay sheegayaan warar goor dhow ku soo dhacay Warqabadka Allbanaadir Online shaqaalihii qeybta hagista garoonka dayuuradaha Aadan cadde ayaa soo afjaray shaqo joojin ay saaka ku dhaqaaqeen, iyagoo dib ugu laabtay howlahoodii.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii cabashada shaqaalahaas ay soo fara geliyeen masuuliyiin heer wasiir ah oo ka tirsan Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha iyo tan duulista hawada ee Xukuumada Somalia.

Ka dib kulan albaabadu u xiran yihiin oo dhexmaray masuuliyiinta ka socotay labada Wasaaradood iyo howlwadeenada Shirkadda Favori ee maamusha garoonka Aadan cadde ayaa ugu dambeyn lagu go’aamiyey in shaqadooda dib loogu celiyo shaqaalaha gadooday oo gaarayey 10 xubnood.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda shaqada ayaa allbanaadir online u sheegay in sidoo kale la go’aamiyey in wixii hadda ka dambeeya ay dowladu la wareegto mushaharka shaqaalahaas oo markii hore ay bixin jirtay shirkadda Favori, iyadoo la waafajin doono xeerka shaqada iyo shaqaalaha.

Xiisadan ayaa timid ka markii shaqo ka eryid lagu sameeyay madaxa qeybta hagista diyaaradaha Garoonka Aadan cadde taasoo saameyn ku yeelatay maanta howlihii shaqo ee Garoonka.

Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta kala hagista diyaaradaha (Marshal) ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin, iyagoo la saftay madixii qeybtaasi ee shaqada laga eryey ninka lagu magacaabo Farxaan Black.

Wararka ayaa sheegay in arrintan ay timid kadib markii shilal fudud ay ka dhaceen gudaha garoonka, ayna istaabteen labo diyaaradood, waxaana arrintan eedeeda dusha loo saaray madaxa hagista dayuuradaha.

Howlihii shaqo ee ka socday garoonka aadan cadde ayaa hadda caadi ku soo laabtay ka dib markii la xaliyey khilaafkii ka dhashay shaqo joojinta, waxaana dib shaqadoodii ugu laabtay shaqaalihii ka howlgalayey qeybta hagista dayuuradaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -