Mareykanka iyo kooxda Taliban oo isla gaaray heshiis soconaya hal todobaad

Mareykanka ayaa heshiis xabbad-joojin hal toddobaad ah la gaaray ururka Taliban, taasoo waddada u xaareysa in ciidanka Mareykanka ay ka baxaan dalka Afghanistan.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyey heshiiskan toddobada maalin ah ee dhigaya in kooxda Taliban ay yareyso rabshadaha.

Sarkaalka ayaa sheegay in heshiiskan oo dhawaan dhaqan-geli doona uu quseeyo guud ahaan dalka Afghanistan oo ay ku jiraan ciidamada dowlada dalkaasi.
Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan ay kor kala socon doonaan dhaqangalka heshiiska si loo hubiyo in Taliban ay heshiiska jebisay ama ixtiraamtay.

Haddii uu heshiiskan toddobada maalin dhaqan galo, waxaa ay wararku sheegayaan in Mareykanka iyo Taliban ay u gudbi doonaan wajiga labaad ee wadahaddaladda nabadda Afghanistan.

Mareykanka ayaa waxaa dalka Afghanistan ka jooga ciidan gaaraya 13 kun oo askari, waxaana heshiiskaan uu imanayaa xilli muddo kooban ay ka harsan tahay 20-sana-guurada kasoo wareegtay markii ay ciidanka NATO ee uu Mareykanku hogaaminayo ku duuleen dalka Afghanistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -