IMF & Wold Bank oo xaqiijiyay in Soomaaliya buuxisay shuruudihii Den-Cafinta iyo 5 Bilyan Dollar oo…

Kulamo ay guddiyada sare ee Baniga adduunka iyo IMF yeesheen 12-13-kii bishaan ayey uga doodeen dekumenti ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo IMF ka diyaariyeen Soomaaliya, oo khuseeya hindisaha sare ee dalalka saboolka ah ee aad u deymeysan

Guddiga sare ayaa soo dhaweeyay dadaalka dowladda FS ee lagu hagaajinayo xariirka Soomaaliya iyo hey’adaha deymaha ku leh iyo sidoo kale nadiifinta deymaha, waxayna isku raaceen in qiimeynta la sameeyay ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga cafiyo inta badan US$5.3 billion ee lagu leeyahay

Kulamadii guddiga sare ee IMF ay yeesheen February 12, 2020, Kristalina Georgieva, oo ah agaasimaha maamulka iyo IMF ayaa caddeysay in Soomaaliya ay kasoo baxday imtixaankii ayna u qalanto in daynta laga cafiyo.

Madaxweynaha kooxda Baniga adduunka, David Malpass ayaa kadib kualka guddiga sare ee Baniga adduunka ee maanta dhacay waxuu sheegay in maanta tillaabo wanaagsan loo qaaday in Soomaaliya ay dib u anba qaado in maaliyad ay ka hesho hey’adaha maaliyadda caalamka, waxuuna Soomaaliya ugu hambalyeeyay dib-u-habeynta ay sameysay, isaga oo u mahad celiyay saaxiibada caalamka ee gacanta ka geysay guusha la gaaray

Bangiga Addunka iyo IMF ayaa qiray in iyada oo ay jiraan caqabado waaweyn oo ku hor gudbanaa in horumar laga sameeyo dadaallada socday, ay Soomaaliya ku guuleysatay imtixiinkii xilliga dheer ay ugu jirtay nadiifinta deymaha lagu leeyahay, waxayna isku raaceen inay Soomaaliya si guul ah ku gaareyso barta go’aan gaaridda ee dhamaadka bisha Maarso ee 2020.

Waxay caddeeyeen in gaaridda barta go’aanka ay u baahantahay wadashaqeyn gudaha ah, taageero ka timaada saaxiibada Soomaaliya iyo dhinacyada deymaha ku leh dalka oo si wadajir ah uga qayb qaata.

- Advertisement -