Maxay tahay sababta ay Sudan Al-Bashiir ugu gacan gelineyso Maxkamadda ICC?

Dowladda ku-meel gaarka ah ee Sudan ayaa aqbashay in madaxweynihii hore ee dalkaas Omar al-Bashir ay u gacan geliso maxkamadda dambiyada ee ICC, kadib markii magaalada caasimadda ah ee Khartoum ay ku kulmeen dowladda iyo mucaaradka gobolka Darfur.

Wakaaladda wararka Sudan ee SNA ayaa sheegtay in dowladda iyo mucaaradka Darfur ay isla ogolaadeen in dhiibista dadka ay dooneyso maxkamadda ICC ay muhiim u tahay in caddaalad ay ka dhacdo Darfur.

Maxkamadda ICC ayaa Al-Bashir u dooneyso eedo la xiriira dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo xasuuq.

Go’aanka lagu dhiibayo Al-Bashiir ayaa yimid ayada oo kooxaha ku heshiiyey xukunka Sudan ay hore u sheegeen in aanay madaxweyne Al-Bashiir u dhiibi doonin maxkamadda ICC.

Ilo wareedyo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in dowladaha reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka uu ku cadaadiyey dowlada Sudan iney Maxkamada ICC ku wareejiso, iyadoo arintaas shuruud looga dhigay in laga kaalmeeyo dhinaca dhaqaalaha, iyadoo dowlada Sudan ay la daalaa dhaceyso dhaqaale xumo iyo faqri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -