Xafiiska Ra’isul Wasaare Kheyre oo la sheegay in Shaqadiisa loo weeciyay Suuqa Forex

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Xafiiska Raysulwasaare Kheyre  shaqadiisii maalmahaan u weeciyey suuqa sarrifka lacagaha qalaad ee loo yaqaan FOREX.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in madaxda Villa Soomaaliya qaarkood ay shirko la noqdeen qaar kamid ah shirkadaha Forex, waxa uuna tilmaamay in uu socdo qorshe golaha wasiirada lagu marsiinayo xeer lagu naas nuujinayo qaar kamid ah shirkadaha Forex.

Halkan ka Akhriso Qoraal Xildhibaanka kaga hadlay arintan

Xafiiska Raysulwasaaraha oo shaqadiisii maalmahaan u weeciyey suuqa sarrifka lacagaha qalaad ee loo yaqaan FOREX.

Xogo muhiim ah oo soo baxaya ayaa tilmaamaya In qaar ka mid ah madaxda dawladda federaalku ay qaar shirkadaha FOREX ka mid ah shirko la noqdeen, tani ma ahan wax ceeb ah balse waxaa ceeb noqon doona marka uu hirgalo qorshe xafiiska RW Khayre ka socdo.

Qorshahaas ayaa ah In golaha wasiirada la marsado xeerar lagu naas-nuujinayo shirkadaha FOREX qaarkood ay wax ku leeyihiin (shareholders ka yihiin) madaxda Villa Somalia qaarkood, kuwaasoo waraaqaha ogolaanshaha shaqo kaligood siin doona shirkadaha ay wax ku leeyihiin kuwa kale ee tartanka kula jirana ayadoo si xun loo adeegsanayo magaca dawladnimada la rabo in meesha laga saaro.

Horey bankiga dhexe ayaa waraaqo aan laga fiirsan oo lagu mamnuucayo FOREX soo saaray, haddana xeer gole wasiirro dan gaar ah laga leeyahay oo aan socon doonin sidii kii hore oo kale ayaan sugaynaa maalmaha soo socda.

W/Q Axmed Macalin Fiqi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -