Wasiiro iyo Xildhibaano kasoo jeeda Hawiye oo ku fashilmay Qorshe ay u tageen Baydhabo

Wafdi isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay 22-kii bishan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdigan uu hogaaminayay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa la kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, waxa ayna kala hadleen cabasho ay ka qabeyn saamigii beesha Hawiye ku laheyd Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Lafta Gareen ayaa wafdigan u sheegay in Xildhibaanada hada la xulay ayna adagtahay in mar kale dib u eegis iyo isbadal lagu sameeyo, waxa uuna ka codsaday in kulamo kale isugu yimaadan xalna la raadin doono.

Lafta Gareen ayaa wafdiga Hawiye u sheegay in la yareeyay tirada Xildhibaanada Koonfur Galbeed sidaasna ku yaraaday saamiga Hawiye, waxa uuna tilmaamay hadii hada tirada la kordhiyo cabashada intan ay kasii badaneyso ayna qeylinayaan beelo kale oo suluugsan xubnaha ay hada heleen.

Xubno ka qeyb galay kulankan ayaa laga soo xigtay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed kula hadlay hadalo qurux badan oo u muuqday mujaamalo , waxaana la sheegay in kulanka badankiis iska noqday mid kaftan iyo sheeko un kusoo dhamaaday.

Beeha Hawiye ayaa Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday ee Koonfur Galbeed ku laheyd 20-Xildhibaan, hasa ahaatee Baarlamaanka cusub ee shalay lagu dhaariyay magaalada Baydhabo ayaa laga siiyay beesha Hawiye 9-Xubnood oo kale.

Wafdiga Wasiirada iyo Xildhibaanada isugu jiray ee u tagay magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in qorshahooda uu fashil kusoo dhamaaday, waxaana socda kulamo ay Siyaasiysiinta Hawiye ka yeelanayaan waxii ay kala soo kulmeen Lafta Gareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -