Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shir u dhexeeya Madaxda Shanta dowlad goboleed oo caawa ka furmay Muqdisho

Shir u dhaxeeya Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed ee Somalia ayaa caawa ka bilowday hotel ku yaalla garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho

Shirkan ayaa ah kii u horreeyay Maamul Goboleedyada oo wadajir ah isugu yimaadaan  tan iyo markii dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada soo gaareen Muqdisho.

Waxaa Shirkan dibad joog ka ah Madaxwayne Farmaajo, RW Rooble, Midowga Musharaxiinta iyo wakiilada beesga caalamka.

Shirkan oo ah mid shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed keli ku yihiin ayaa ka dambeeyay markii la baajiyay shirkii galabta dhexmari lahaa Wakiilada Beesha Caalamka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ka dib cadaadis Madaxweyne Farmaajo ku saaray saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed ee isaga taageersan.

Farmaajo ayaa u sheegay madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed iney ka qeyb galaan oo kaliya hadii ay shirkaas keli ku yihiin madaxda dowlad goboleedyada, taasoo ugu dambeyn noqotay caawa.

“Halkii la filayay in beesha caalamku cadaadis saarto  dhinacyada is diidan ee Soomaalida, waxaa hadda soo baxaya in Madaxwayne Farmaajo uu iyagii cadaadis saarayo, isagoo ku oronaya arrimaha Soomaaliya ka dhex baxa” sidaas waxaa yiri weriye falanqeeya arrimaha Somalia.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo gadoodsan oo xirtay jidka u baxa Gegida dayuuradaha Boosaaso

Caydiid Ali

Magdhaw laga bixinayo Ciyaartoy la dilay 50-Sanno kahor iyo Heshiis laga gaaray

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey duqeyn xalay lagu weeraray Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---