Al Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Ciidamol Itoobiyaan ah

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus oo isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay duleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Sida aan wararka ku helnay kolonyada ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa loo dhigay qaraxyo miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay waxaana kadib weerar toos ah ku qaaday dagaalyahano katirsan Al Shabaab .

Dagaal culus ayaa la sheegay in uu dhax maray ciidamada Itoobiyaanka ah iyo dagaalyahanada Al Shabaab , waxaana wararku sheegayaan in khasaaro xoogan uu ka dhashay weerarkaasi.

Sargaal katirsan Al Shabaab ayaa u sheegay warbaahinta afkooda ku hadasha in weerarka gaadmada ah ay ku qaadeen ciidamada Itoobiya khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen kuna dileen askar badan sidoo kale ku gubeen gaadiid .

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in weerarka kadib saacado kooban hawada ka saareen isgaarsiinta degmada Luuq, mana jiro ilaa hada wax war ah oo ku aadan weerarkan oo kasoo baxay taliska AMISOM iyo sidoo kale dowlada Itoobiya .

 

- Advertisement -