Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug (Daawo Sawirada)

Madaxwaynaha cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada maamul goboleedka Galmudug,

Shirka golaha Wasiirada ayaa looga hadlay xaalada ay mareyso Galmudug iyo tilaabooyinka loo baahanyahay in horay loo qaado sida Arimaha Amniga iyo adeegyada kale ee loo baahanyahay in lagu hormariyo maamulka Galmudug.

Qaar kamid ah Wasiirada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan waxyaabaha u qabsoomay, waxa ay sidoo kale Madaxweynaha Galmudug iyo kuigeenkiisa warbixin ka siiyeen sida ay u shaqeeyaan Wasiirada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa faray golaha Wasiirada Galmudug in ay sii xoojiyaan shaqadooda, waxa uuna xusay in gaabsi mudooyinkii dambe ku jireen shaqada Wasaaradaha balse hada loo baahan yahay in la dar dargaliyo.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ay yeeshaan golaha Wasiirada dowlad goboleedka Galmudug tan iyo waxii ka dambeeyay markii hogaanka cusub ee Galmudug lagu doortay magaalada Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu yahay shirka uu RW ku xigeenka DF ka furay Qaahira?

Caydiid Ali

Mid ka mid ah rag Mareykanku madaxoodu lacag dul dhigay oo lagu qabtay Kenya

Caydiid Ali

Itoobiya oo si jees jees ah u beenisay Eedeyn culus oo uga timid dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---