Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay shirka uu RW ku xigeenka DF ka furay Qaahira?

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey shir looga hadlayay Kor u Qaadida Arrimaha Xalka Waara ee Soomaaliya, oo ka dhacay Magaalada Qaahira.

Kulankani ayaa si gaar ah diiradda u saarayaa sidii loo maalgelin lahaa horumarka magaalooyinka.

Mudane Cabdisalaam oo ka hadlay madasha waxa uu sheegey in mashruucan uu si gaar ah u xoojinayo guryeynta dadka barakacayaasha ah iyo sidii loo siin lahaa taageero dhaqaale iyo mid farsamo oo ay kaga bixi karaan xaaladaha adag ee ay ku nool yihiin.

Kulankan, oo ay ka soo qeyb galeen khubaro, hay’adaha caalamiga ah, iyo aqoonyahanno, ayaa waxaa looga hadlay fursadaha iskaashi ee loo abuuri karo xalalka waara ee Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka barakacayaasha iyo horumarinta kaabayaasha magaalooyinka dalka.

Related posts

Garoonka Diyaaradaha Dayniile oo dib loo furayo iyo Masuuliyiin booqatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo shir muhiim ah uga qeyb galay magaalada Makka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Daawo: Ansixinta guddiga farsamada ee DF ku metelaya ka talo bixinta doorashada

admin
Taboola Ads ---