Wasiirka Warfaafinta Puntland: ” Deni wuxuu zero ka yahay inuu xamilo qaladka Warbaahinta”

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Cali Sabarey ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni uu ka dhammaaday dulqaadkii uu u hayay saxaafada.

”Madaxweynuhu wuxuu zero ka yahay inuu xamilo qaladka warbaahinta aaminsan yahay in saxaafada Puntland lasoo dhex galay oo loo adeegsanayo dagaal lagu soo qaaday jiritaanka Puntland” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Puntland.

Maamulka Puntland ayaa ka carooday maalmo ka hor muuqaalo arday reer Boosaaso ah oo dalbanayay inay helaan shahaadada dowladda Soomaaliya bixiso, iyadoo intaa kadib Puntland ay cadaadis ku saartay maamulka dugsiga ay ardaydaas ka tirsanayeen in loo yeero iyaga iyo waalidkood laguna cadaadiyo inay raalli galin ka bixiyaan muuqaalkii horey saxaafadu ka duubtay.

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo ayaa horey madaxweyne Deni ugu dhaleeceeyay inaanu lahayn dulqaad uu Puntland ku gaarsiin karo nidamka dimuqraadiyada iyo furfurnaanta, uuna u dhaqmayo sidee keligii taliye oo kale.

Madaxweyne Deni waqtiyadii ololaha doorashada waxaa uu ka mid ahaa murashixiinta ku doodayay inaan cidina la aamusin oo cid walbaa si xor ah afkaartooda u soo gudbin karto, isagoo xukuumadii C/wali Gaas ee talada haysay ku dhaleecayn jiray caburin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -