Qarax ka dhacay magaalada Baladweyne iyo Faah faahino kasoo baxaya

Wararka aan ka heleyno magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Duhurnimadii maanta qarax uu ka dhacay meel ku dhaw saldhiga booliiska magaalada Baladeyne.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay waxyaabaha qarxa oo lagu soo qariyay baakad kaa oo la dhigay meel ku dhaw saldhiga booliiska , waxaana qaraxa la sheegay in uu ka dhacay goob aysan dad badan joogin.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhaawacmay qaraxan miino ee ka dhacay meel ku dhaw saldhiga booliiska Baladweyne, mana jiro sida aan wararka ku helnay cid qaraxaasi ku dhimatay.

Booliiska magaalada Baladweyne ayaa baaritaano ku sameenaya qaraxan ka dhacay meel ku dhaw saldhiga Booliiska , mana jiro wali war faah faahsan oo kasoo baxay taliska booliiska magaalada Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -