Janan oo ka hadlay Waxa kala Dhaxeeya dowlada Kenya uu hada gabaad ka dhiganayo

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Janan ayaa ka hadlay waxa kala dhaxeeya dowlada Kenya oo la sheegay in uu hada gabaad ka dhiganayo kana dhax wado abaabul uu ku doonayo in gobolka Gedo dib ugu soo celiyo gacanta Jubbaland.

Cabdirasjiid Janan oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacada Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Kenya uusan kala dhaxeyn wax dhaafsiisan darasnimo, waxa uuna tilmaamay in hada uusan joogin Kenya balse joogo Balad Xaawo.

“Kenya dowlad aan deris nahay waaye muddo dheerna aan deris ahyn inta aan noolnahayna aan sii ahaan doono, wax gaara oo dowladda kenya naga dhaxeeyo oo derisnimada ka baxsan ma jiraan, anigane dalkeeda ma joogo ee waxaan joogaa degmada Balad xaawo” ayuu yiri Wasiir Janan.

Cabdirshaiid Janan ayaa sheegay in hada ka shaqeenayo sidii mar kale gacanta shacanka Jubbaland gaar ahaan kuwa Gedo loogu oo celin lahaa xasiloonidii iyo nabad gelyadii ay heestuu uu tilmaamay in hada gacantooda ka baxday.

“Aniga ujeedadeydu wax weeyaan in shacabkan noloshii shalay ay haysteen in ay dib u helaan oo hadda gacantoodii laga bixiyay nabadgelyadoodii in ay helaaan iyo in aan badbaadiyo sharaftooda lagu xad gudbahayo” ayuu yiri Janan.

Wasiirka Amniga Jubbaland oo saldhig ka dhigtay degmada Mandheera ee dalka Kenya ayaa la sheegay in abaabul dagaal ka wado duleedka degmada Balad Xaawo ay ku sugan yihiin ciidamo isaga ka amar qaata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -