Masuuliyiin Kenyan ah oo ugu baaqay Cabdirashiid Janan in Qaxooti ahaan isku dhiibo ama ka baxo Mandheera

Xildhibaano, Senataro iyo Mas’uuliyiinta Ismaamulka Gobolka Mandhera ee Gobolka waqooyi Bari Kenya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ugu baaqay Wasiirka Amniga Jubbaland iyo ciidankiisa in deg deg uga baxaan Mandheera.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in aysan raali ka noqon karin in xaalad amaan daro ka dhacdo magaalada Mandheera, waxa ayna ugu baaqeen Wasiirka Amniga Jubbaland iyo ciidamadiisa in ay ka baxaan magaalada ayna ku laabtaan gudaha Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee Warbaahinta la hadlay in Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland iyo Cabdirashiid Janan ay degan yihiin Hotel kuyaala Mandheera ayna gudaha magaalada lasoo galeen hub iyo ciidan.

Guddoomiyaha Mandhera Cali Roba ayaa sheegay in Ciidamadii Jubbaland ee joogay Balad Xaawo ay soo galeen Mandheera kadib markii Doolow iyo Balad Xaawo soo galeen ciidamo ay soo dirtay dowlada federaalka.

”“Dadkii Maamulka u haayay Jubbaland oo laga soo bixiyay Doolow iyo Beledxaawo waxay soo galeen Mandhera oo qeyb ka mid ah ayay degan yihiin, anagoo rabin dowladda dhexe ee Kenya iyo dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ka socda inaan faragelino waxaa na saaran mas’uuliyadda shacabka iyo amniga reer Mandhera iyo umadda kale ee jiiraanka nahay amniga aan ku noolnahay nala noolaadaan ma rabno meeshaas in dhib ka dhaco”ayuu yiri Cali Roba.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Mandhera in Cabdirashiid Janan hub lasoo galay magaalada, waxa uuna ugu baaqay dowlada in ninkaasi hubka ka dhigto ulana macaamiisho qaxooti ahaan hadii uu isa soo dhiibo hadii kale magaalada laga saaro.

“Dadkaas hubeysan ma rabno inay hubkooda Beledxaawo u sii jeediyaan ama kuwa Beledxaawo u soo jeediyaan Mandhera, taasoo dhib u keeni karta shacabka aan mas’uulka ka nahay, uma dulqaadan karno hal naf uu dhib soo gaaro, mana ogolaan karno gacan ma siineyno”ayuu yiri Cali Roba oo intaa ku daray in dowladda Kenya ay si degdeg ah uga saarto deegaanka Ciidamada uu wato C/rashiid Janan.

Hadalkan kasoo baxay Xildhibaanada iyo masuuliyiinta magaalada Mandheera ayaa kusoo aadaya xili Cabdirashiid Janan iyo ciidamo uu wato ay abaal dagala ka wadana magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

- Advertisement -