Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo cusub oo la wareegay xeradii tababarka Imaaraadka & Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii socday (Daawo Sawirro)

Ciidamo cusub oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa la wareegay xerada tababarka Imaaraadka ee Jen. Gordan oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ka dib iska horimaad xeradaas ka dhacay.

Xaalada ayaa hadda degan, waxaana joogsatay rasaastii ka dhex socotay xeradaas oo ay dhowaan baneysay dowlada Imaaraadka, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay iska horimaadka halkaas ka dhacay.

Ciidamadii uu tababarayey imaaraadka ayaa ka firxaday xerada, markii ay rasaastu bilaabatay waxaana qaarkood ay ka boodeen derbiga xeradaas iyagoo u baxsaday xaafada Zona Key oo xerada hareeraheeda ku taalla.

Ciidamada Xoogga dalka ee la wareegay xerada oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo kuwa gaashaaman ayaa la soo sheegayaa iney joogaan gudaha iyo hareeraha xeradan, welina ma jiro faahfaahin ku saabsan iska horimaadka halkaas ka dhacay oo ka soo baxay taliska ciidamada Xoogga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil 8-sano jir ah oo ku biiraya Jaamacad iyo Sabab cajiib ah oo keentay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Sacuudiga oo ku guuleystay Martigelinta Koobka Aduunka sanadka 2034

Caydiid Ali

Xil-Wareejinta Madaxweyne Farmaajo Ma Horseedi Kartaa Isbeddel Waxtar Leh?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---