Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo maanta si rasmi ah u saxiixay Sharciga Batroolka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa.

Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka JFS waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka .

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.

Related posts

Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada oo War ka soo saaray go’aanka lagu eryey Nicholas Haysom

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii caawa ka dhacay Magaalada Cadaado

Caydiid Ali

Qarax Khasaaro badan geestay oo ka dhacay Boosaaso iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---