Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro badan geestay oo ka dhacay Boosaaso iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in galabta uu halkaasi ka dhacay qarax miino oo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa ka dhacay mehrad lagu qayilo oo kutaalla magaalada Boosaaso, halkaas ay fariisan jireen ciidamo katirsan maamulka Puntland iyo sidoo kale dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay qaraxan miino waxaa ku dhintay saddex qof oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaa sidoo kale qaraxan ku dhaawacmay lix qof oo kale ,kuwaa oo loola cararay xarumaha caafimaadka ee Boosaaso.

Maamulka magaalada Boosaaso iyo laamaha amniga ee magaaladaasi ayaan wali ka hadlin qaraxan iyo khasaaraha uu geestay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray oo baaritaanno ka sameeyay ciidamo katirsan booliiska Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Sharma Shiikh (Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya oo ugu dambeyn laga cafiyey deyn gaareysa $4.5 bilyan oo dollar

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo fariin u diray Golaha Sare & Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Sudan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---