Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Dagaal degmada Balad Xaawo ku dhax maray Ciidamada Dowlada iyo kuwa Jubbaland

Wararka ka imaanaya degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dagaal khasaaro geestay duleedka Degmadaasi ku dhax maray ciidamo dowlada iyo ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Sida aan wararka ku heleyno labada ciidan ayaa dagaal kooban waxa uu ku dhax maray duleedka degmada Balad Xaawo, waxaana dadka deegaanka sheegeen in ay maqlayeen rasaasta labada ciidan is dhaafsanayeen.

Dagaalka dhax maray ciidamada dowlada degmada Balad Xaawo geesay iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in uu khasaaro kasoo gaaray labada dhinac ee dagaalamay, lamana oga khasaaraha dagaalka kasoo gaaray dadka shacabka ah.

Dadka ku dhaqan degmada Balad Xaawo ayaa cabsi badan ka qaba in mar kale dagaalamaan labada ciidan ee ku sugan degmada Balad Xaawo iyo duleedkeeda, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Dagaalka kooban ee maanta ka dhacay duleedka degmada Balad Xaawo ayaa kusoo aadaya xili maanta duleedka degmadaasi lagu soo bandhigay ciidamo katirsan Jubbaland uu hogaaminayo wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

 

Related posts

Sideed qof oo isku qoys ah oo ku geeriyooday Qarax iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Hogaamiyaha Taliban oo soo saaray amar cusub oo ka careysiinaya reer galbeedka

Caydiid Ali

Maxkamad Karbaash iyo Dhul Nadiifin ku riday labo nin oo Masuul wax uga sheegay Tiktok

Cabdi Cade
Taboola Ads ---