Midowga Yurub oo ka hadlay Ciidamada Milatariga ee wali ku sugan Xaafadaha Muqdisho

Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay ciidamada milatariga ee iska soo horjeeda ee wali ku sugan qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho, waxa ayna ku baaqeen in ciidamadaasi laga saaro magaalada.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nocolas Berlanga, ayaa sheegay in Muqdisho kuwada sugan yihiin ciidamo milatri ah oo iska soo horjeeda, waxa uuna ku baaqay in ciidankaasi magaalada laga saaro .

Qoraal uu safiirka soo dhigay  bartiisa twitter-ka ku sheegay in magaalada Muqdisho oo lagu kala qeybiyo maleeshiyo ama ciidamo amni oo ka baxsan qadka taliska aysan caawineyn shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu taageero shaqooyinka muhiimka ah ee loo igmaday lagana shaqeeyo xasiloonida caasimada.

Warkan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa kusoo aadaya xili magaalada Muqdisho wali sidoodii u joogaan ciidamada milatariga ee taabacsan musharaxiinta mucaaradka kuwaa oo  ku sugan aagagii ay ka joogeen Degmooyin katirsan Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -