Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Jugta Qarax xoogan ayaa goor dhow laga maqlay magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah, waxaana ka soo baxaya faahfaahino hordhac ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo ahaa mid gaari lagu soo xiray uu ka dhacay afaafka hore ee cawradii Qaranka oo ku taalla wadada taleex ee degmada Hodan.

Gaariga qaraxa lagu soo xiray ayaa dad goob joogayaal ah waxay sheegayaan inuu wadada socday xiliga uu qarxayey, uuna soo gaaray burbur xoogan.

Ciidamada Booliska degmada Hodan ayaa la sheegay goobta qaraxu ka dhacay gaareen, iyagoo xiray wadada, waxaana halkaas ka socda baaritaano, lamana oga qofka gaarigan lahaa gaarigan ee qaraxa loogu soo xiray iyo khasaaraha ka dhashay midna.

La soco wixii ku soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Markab uu Wakiil ka yahay Senator Soomaaliyeed oo afduub loo heesto

Cabdi Cade

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay baaqii Madaxweyne Deni kasoo yeeray

Cabdi Cade

Siciid Deni oo shuruud adag ku xiray ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---