Wafdigii Mareykanka oo qodobo xasaasi ah kala hadlay Madaxda Somaliland

Qoraal lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee safaaradda Maraykanka ee Somalia ay ku leedahay Facebook ayaa lagu sheegay in masuuliyiinta Maraykanka ee booqday Somaliland inay kala hadleen madaxweyne Biixi sidii loo samayn lahaa iskaashi dheeraad ah, iyada oo lagu shaqaynayo siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya oo mid ah.

Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Lary Andre ayaa sheegay in Maraykanku uu garawsan yahay horumarka uu maamulka Somaliland ka sameeysay dhinacyada dimoqraadiyadda, horumarka dhaqaalaha iyo nabadgelyada.

Waxaa danjiruhu uu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha, xorriyadda hadalka iyo ka qaybgalka siyaasadda.

Weftiga Maraykanka oo watay diyaarado kala duwan oo ay ku jiraan kuwa ay ciidamada militarigu isticmaalaan ayaa booqasho ku tegey dekedda magaalada Berbera iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, halkaas oo dhawaan ay dawladda Imaaraadka Carabtu dib u habayn ballaadhan ka samaysay, iyada oo loo diyaariyey inuu noqdo saldhig militari.

 

- Advertisement -