Qarax ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho & Khasaare ka dhashay

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay inta la ogyahay qarax xoogan oo maanta duhuradii ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday miino lagu aasay wadada gaar ahaan inta u dhexeysa degaanada Xaawo Cabdi iyo Lafoole, waxayna la kacday gaari nooca raaxada ah oo wadada marayey.

Dhammaan afarta qof ee ku dhintay qaraxan ayaa la socday gaariga miinadu la kacday, sida dad goob joogayaal ah laga soo xigtay, lamana waxa ay ahaayeen illaa hadda iyo bartilmaameedka qaraxa uu iyaga ahaa iyo in kale.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa la sheegay iney gaareen goobta qaraxu ka dhacay, iyagoo halkaas xiray muddo kooban baaritaanana ka sameeyey inkastoo illaa hadda aysan wax war ah ka soo saarin.

Qaraxyada noocan ah ee loo adeegsado miinooyinka ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka, kuwaasoo lala beegsado inta badan gaadiidka ay wataan ciidanka DF iyo dad kale ee dowlada u shaqeeya, inkastoo marar qaarkood uu khasaare ka soo gaaro dad shacab ah.

Dhinaca kale war hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in gaari ay la socdeen dad shacab ah uu qarax ku haleelay inta u dhexeysa degaanada Dhoobley iyo Afmadow ee gobolka Jubada hoose ugu yaraan 7 qof ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -