Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dowladaha Somalia iyo China oo ka wada hadlay cudurka Coronavirus

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Axad ah quraac sharafeed ugu sameeyay gurigiisa Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Qin Jian, iyadoo intii lagu guda-jiray laga wadahadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah ee wadaaga xiriir taariikheed muddo dheer soo jiray.

Wasiir Cawad waxa uu carabka ku adkeeyay inuu xiriir toos ah la leeyahay ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Wuhan ee Gobolka Hubei ee dalka China oo ah goobta uu cudurka dilaaga ah ee ‘coronavirus’ uu ku faafay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay la kaashan doontaa Dowladda China iyo Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Beijing si loo qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo gaarsiiyo ardaydaasi waxa ay u baahan yihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu u xaqiijiyay Safiirka China in Soomaaliya ay garab taagan tahay Dowladda iyo dadka China xilligan adag, iyadoo si adag ay uga shaqaynayaan xakamaynta faafitaanka ‘coronavirus’, waxa uu u rajeeyay in ay ku guulaystaan ka takhaluskiisa gebi ahaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Somaliland oo maanta madaafiic culus ku garaacay Laascaanood (Sawirro)

Cabdi Cade

Dadkii ugu badnaa oo hal maalin u dhintay Cudurka Carona iyo tirada dhimashada oo korortay

Cabdi Cade

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Farantz Celestin (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---