Shiikh Shaakir oo digniin ka soo saaray doorashada maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maalmo ka hor sheegtay in loo doortay Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu sunna ayaa digniin culus ka soo saaray doorashada maanta lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.

Qoraal loo diray beesha caalamka oo uu xalay soo saaray Sheekh Maxamed Shaakir ayuu ka digay cawaaqibka ka dhalan kara, haddii Dowladda Federaalka iska indho tirto doorashadiisa, ayna maanta qabato doorasho kale.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka dooratay waddo qaloocan kana hortimid talooyinkii ay u jeediyeen iyo cabashooyinkoodii ku aadanaa arrimaha maamul u samaynta Galmudug.

“Dowladda Federaalka ayaa qaadi doonto masuuliyadda wixii dhimasho iyo burbur ee ka dhasha fowdada ay ka abuureyso Galmudug” ayuu Shiikh Shaakir ku yiri qoraalka uu soo saaray oo ku qornaa luuqada English-ka isagoo ka codsaday Beesha caalamka inay ka hortagto dhibaatada ka soo wajahan doorashada ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka, ayna dowladda ku booriyaan in wadahadal nabadeed lagu dhameeyo siyaasadda cakiran ee Galmudug.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHIIKH SHAAKIR OO ENGLISH KU QORAN:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -