Madixii Aamin Ambulance oo caawa lagu xiray Muqdisho iyo dacwad lagu oogayo

Cabdiqaadir C/raxmaan Aadan oo ahaa agaasimaha Aamin Ambulance ayaa la sheegay iney caawa  xireen ciiamada dowladda ku xireen ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Dhaqtarka laga watay Baar uu ku sugnaa oo ku yaalla agagaarka Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, markii ay ciidamo Boolis ah u yimaadeen halkaasina ka kaxeysteen.

Qoraal kasoo baxday xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa lagu amray taliska hey’adda dembi barista booliska Soomaaliya ee CID-da soo qabashada Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Cabdulqaadir loo heysto dacwad ay kasoo gudbiyeen laba nin oo lagu kala magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Diiriye iyo Barre Cismaan Xuseen, kuwaasoo sheegay inuu qaab Forex ah kaga qaatay lacag gaareysa $214,000,00 oo dollar.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA CID EE LAGU XIRAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -