Ogow Tirada lacagta ay Xildhibaanada Galmudug ka heleen Doorashada maanta dhaceysa

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in Xildhibaanada dowlad goboleedka Galmudug xalay aysan hurdo ladin, waxa ayna Xildhibaanada xalay oo dhan ku jireen sidii ay lacago uga sameyn lahaayeen doorashada maanta dhaceysa.

Sida aan xogta ku heleyno xildhibaan walbo oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa xalay helay lacag ka badan 30-kun oo Dollar, waxaana 20-kun oo kamid ah lacagtaasi ka qaateen Musharax Madaxweyne halka lacago kala duwana ka qaateen qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweyne kuxigeenka.

Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa sadex kamid ah la sheegay in xalay aysan ku jirin wax olole ah ayna iska hurdayeen, waxaana xalay shaqada ka socotay mid kamid ah guryaha uu degan yahay musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa hada lasii ogyahay musharaxa kusoo bixi doona, waxaana wali la saadaalin karin musharaxa ku guuleesan doona xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ay ku tartamayaan 5-musharax oo kala duwan.

Magaalada Dhuusomareeb ayaan xalay laga seexan, waxaana siyaasiyiinta ku sugan iyo Xldhibaanada xalay si weyn uga shaqeenayeen olalaha doorashada la filayo in saacadaha soo aadan ka dhacdo magaalada Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -