Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

WhatsApp oo laga bilaabo maanta aan ku shaqeyn doonin Malaayiin telefoon (Sababta)

Barnaamijka farriimaha la iskugu diro ee ee WhatsApp ayaanan ku shaqeyn doonin malaayiin taleefan laga bilaabo 1-da Febraayo oo maanta ku beegan.

WhatsApp ayaa sheegtay in tallaabadan ay lagama maarmaan noqotay si loo xaqiijiyo ammaanka dadka bartaasi isticmaalaya.

Taleefannada ay soo saaraan Android iyo iPhone ee ku shaqeeya barnaamijta uu waqtigoodu dhacay ayaanan ku shaqeyn doonin bartan ay leedahay shirkadda Facebook.

Taleefannada qaaliga ah ee ku shaqeeya barnaamijka Android ee 2.3.7 iyo kuwa ka da’da waynba, iyo midka iPhone iOS 8 ama ka sii wayn, ayey arrintan saameyn doontaa.

Barnaamijka uu ku shaqeeyo WhatsApp-ka ayaa waxa uu meesha ka saaraya barnaamijta qadiimiga ah ee aan la cusboonaysiin ama lagu shubay taleefannada cusub.

Inta badan dadka isticmaala bartaas ayey u suuragalaysaa inay cusboonaysiiyaan barnaamijka uu taleefankooda ku shaqeeyo si ay u sii wadaan isticmaalka adeegga farriimaha ee shirkadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Fursad Qaaliya! Dugsiga Amiin Quran Online oo arday cusub dinwaangalinaya bishan September.

Cabdi Cade

Sidee u dhacay aaska Majaajiliste Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) ?

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta ansixiyey Xeer cusub oo Muhiim ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---