Ilhaan Cumar oo si kulul uga hadashay qorshaha Trump ee bariga dhexe

llhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa ku tilmaantay qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu soo bandhigay madaxweyne Trump mid dhac ah oo aan aheyn qorshe nabadeed.

Waxay sheegtay in qorshaha nabadeed ee Trump aan loo dhameyn isla markaasna ay aheyd in dhinac kasta laga qeyb geliyo .

“Intii lagu sameyn lahaa soo jeedin xil ka qaadis ah oo la dacweyn lahaa labadan hogaamiye ee lagu dhagan yahay inay gaaraan qorshe nabadeed, waana arrin ceeb iyo khiyaano ah” ayay tiri Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Trump ayaa aqalka cad ku qaabilay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu halkaas oo uu ka sheegay in qorshihiisu noqon karo fursaddii ugu dambaysay ee Falastiiniyiintu helaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -