Qaar kamid ah Xildhibaanada Ahlu Sunna oo ka qeyb galay Dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta (Magacyada)

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug kulan ku yeeshay Xildhibaanada cusub ee Galmudug, waxaana kulanka maanta lagu dhageesanayay Khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Kulanka maanta ayaa waxaa kasoo qeyb galay laguna dhax arkay qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada Ahlu Sunna ku matala Baarlamaanka Galmuug, Xildhibaanadan ayaana jabiyay amarka hogaanka Ahlu Sunna ee ahaa in aysan kulanka ka qeyb galin.

Xildhibaanadan ayaa xalay iyo saacadihii hore ee saakay waxaa wadahadalo la galay masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya kuwaa oo ku qanciyay in ay kasoo qeyb galaan kulanka maanta iyo sidoo kale doorashada.

Sida aan wararka ku helnay Xildhibaanada Ahlu Sunna ayaa loo sameeyay balan qaadyo muhiim ah iyo lacago si ay uga soo goostaan hogaanka Ahlu sunna qeybna ka noqdaan Doorashada la filayo in ay ka dhacdo magaalada Dhuusomareeb.

Halkan ka Akhriso Magacyada Xildhibaanada Ahlu sunna ee kulankii maanta joogay

1-Xildhibaan Cabdi Maxamuud Fiidow

2 – Xildhibaan Mahad Kilic Warsame

3 – Xildhibaan Yaasiin Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdiraxmaan

4 – Xildhibaan Mowliid Sheekh Cali Tahliil

5 – Xildhibaan Mahad Cabdi Xirsi

6 – Xildhibaan Axmed Maxamed Aadan

7– Xildhibaan Xuseen Axmed Carab

8-Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed

Xildhibaanadan iyo kuwa kale katirsan garabka Ahlu Sunna ayaa la filayaa in ay kasoo qeyb galaan Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa , waxa ayna arintan dhabar ab ku tahay hogaanka Ahlu sunna oo xildhibaanadan ku gor gortamayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -