Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka Madaxweynaha Jabuuti iyo Siyaasiga Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa looga hadlay arimo la xariira xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo mida gobolka iyo xiriirka qotada dheer ee labada dal.

”Waxaa sharaf weyn ii aheyd inaan maanta kulan qiimo leh la qaatay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, madaxweynaha oo ah oday Soomaaliyeed oo dadaal weyn ku bixiyey kuna bixiya dib u dhiska iyo dib u soo kabashada qarankii Soomaaliyeed, kulanku waxuu la xiriiray is xog-wareysi ku aadan arimaha Soomaaliya iyo arimaha gobalka.” ayuu yiri Mr guuleed.

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa uga mahad celiyay dowlada Jabuuti dowrka walaaltinimo ee lama iloobaanka ah ee ay ka geestaan arimaha Soomaaliya .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin toogasho ku dilay haweeney ka tirsan Shaqaalaha Nadaafada G/Banaadir oo la qabtay

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Danjireyaasha dalalka Turkiga Iyo Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) DF oo amaro cusub ka soo saartay Munaasabada Ciidul adxaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---