Qaar kamid ah xildhibaanadii Ahlu Sunna oo go,aankoodii badalay iyo Wararkii Ugu dambeeyay

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa xiligan ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay kala qeybsanaanta guddigii loo xil saaray qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Xildhibaanada Ahlu Sunna ku matala guddiga doorashada ayaa qaadacay hogaanka guddiga , waxa ay sidoo kale Xildhibaaada Ahlu Sunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug qaadaceen ka qeyb galka kulamada Baarlamaanka.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in magaalada Dhuusomareeb ka socdaan dadaalo lagu kala fur furayo Xilhibaanada Ahlu Sunna ugu jira Baarlamaanka maamulka Galmudug .

Masuuliyiin katirsa dowlada federaalka, siyaasiyiin iyo waxgarad ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa ku guuleestay in ay kala fur furaan qaar kamid ah Xildhibaanadii Ahlu Sunna ugu jiray Baarlamaanka Galmudug.

Sida aan xogta ku heleyno ilaa afar Xildhibaan oo katirsan Ahlu Sunna ayaa go,aankoodio hore badelay ,waxa ayna Xildhibaanadan usoo goosteen dhinaca Xildhibaanada dowlada taageersan iyagoona ka qeyb galay kulankii Baarlamaanka ee maanta ay yeesheen Xildhibaanada.

Waxaa sidoo kale socda dadaalo lagu kala fur furayo xildhibaanada Ahlu sunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug si meesha looga saaro gor gortanka ay wadaan madaxda kooxda Ahlu Sunna.

Xildhibaanada Ahlu sunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug ayaa hada caqabad ku noqday habsami usocodka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug , waxa ayna Xildhibaanadan diideen in ay qeyb ka noqdaan kulamada Baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -