Allbanaadir.com
NEWS

Nin toogasho ku dilay haweeney ka tirsan Shaqaalaha Nadaafada G/Banaadir oo la qabtay

Booliska Soomaaliya ayaa galabta gacanta ku dhigay nin bastoolad ku hubeysnaa oo galabta haweeney ku dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho

HOOS KA AKHRISO QORAAL KA SOO BAXAY BOOLISKA

CIIDANKA BOLIISKA SOOMAALIYEED OO GACANTA KU DHIGAY EEDEYSANE DIL GEYSTAY

Ciidanka Saldhiga Boliiska Degmada Hodon, ayaa galabta 02 Jan 2024 abaare 17:40 PM, waaxda Kacaan gacanta ku dhigay qof rag ah oo ku eedeysan inuu dilay Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed ina hooyo Saliimo Cumar Cismaan 43 jir ah, kana mid aheyd shaqaalaha Nadaafada ee Degmada Hodon.

Eedeysane Ibraahim Aadan Maadeey ina hooyo Nuurto Cabdi Cabdulle 19 jir ah ku dhashay Shabelaha Hoose degan Ceelasha Biyaha, ayaa ciidanku gacata ku dhigeen, xiligii uu dilka geystay, wuxuu isku dayay inuu Ciidanka iska difaaco. Balse, waxaa suurta gashay in la qabto isaga oo dhaawac iyo hubkii uu falka ku geystay.

Eedeysanaha oo dhaawac ayeey Ciidanku gacanta ku hayaan, waxaana la waafajin doonaa Garsoorka awooda u leh si uu cadaalad u maro.

Mahadsanidiin.

Related posts

Madaxweyne Trump oo saxiixay amar Maraykanka looga mamnuucay shirkado caan ah

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

admin

Mucaaradka oo isku khilaafay kulamo ka dhacay Muqdisho & Farmaajo oo..

admin
Taboola Ads ---