Golaha ammaanka ee QM oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ku daray liiska argagixisada

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si aqlabiyad ah u taageeray in xayiraad la saaro saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Xubnaha lagu daray liiska argagaxisada ayaa kala ah Abuukar Cali Aadan oo ah ku-xigeenka Hogaamiyaha Al-Shabaab, Macalin Ayman iyo Mahad Karatay.

Dowlada Soomaaliya oo kaashaneysa dhigeeda Mareykanka ayaa arrintan ka dalbatay golaha amaanka ee QM.

Talaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay wasaarada arimaha dibadda ee Mareykanka.

Erica Barks-Ruggles  oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Xafiiska arimaha heyadaha caalamiga ee Wasaarada Arimaha dibadda Mareykanka ayaa arintan ku tilmaantay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -