Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Sacuudiga oo mar kale soo saartay go’aan ka farxiyay Haweenka dalkaas

Sacuudiga ayaa marti gelinta tartankii u horeeyey ee ciyaarta Golf-ka ee haweenka oo heer caalami ah oo markii uu horaysay lagu qaban doono dalkaas bisha Nofember ee soo socota, iyadoo markii ugu horeysay haweenkaas dalkaas ay ka qeyb qaadan doonaan ciyaartan.

Boqortooyada Sucuudigu waxay qaban qaabinayasaa qabashada laba tartan oo ah ciyaarta Golf-ka ee haweenka oo labaduba heer caalami ah.

Ka koobaad waa tartanka Golf-ka haweenka ee Yurub oo socon doona inta u dhaxaysa 12-15 Noofember. Ka dibna waxa bilaabmi doona tartanka Golf-ka kooxaha haweenka Sucuudiga oo isna socon doona 17-19 isla bishaas, iyadoo labada tartan ay ka dhici doonaan garoonka Golf-ka ee Royal Greens.

Waxa marka hore lagu waday in tartannadan la qabto horaantii Maarso ee sannadkan laakiin waxa loo baajiyey fayraska korona awgii.

“Aad baanu ugu faraxsannahay in aanu taariikhda galno oo aanu ka qayb qaadano qabanqaabda tartanka Golf-ka haweenka ee Sucuudiga ka dhacaya, waxaanu sidoo kalena ugu mahadnaqaynaa in Sucuudigu in aanu qabanayn oo keliya tartankaa ee xataa ka qayb galayaan haweenka Sucuudigu iyadoo weliba sannadkani yahay sannad adag oo soo food saaray ciyaaraha Golf-ka” ayey tiri Agaasimaha fulinta ee qaban qaabada tartanka Golf-ka haweenka Yurub Alexandra Armas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Video) Wasiir Cali Dhuux oo Munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay London

admin

Xarig loo geestay Samar Badawi oo Xiisad ka dhax abuurtay Sacuudiga iyo Canada

Cabdi Cade

Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo gaaray dalka..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---