Khilaaf ka taagan Cida hogaamineysa Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Ahlu sunna oo…

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmuug ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu ka jiro cida hogaamineysa Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Gudoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa Axadii magacaabay Guddi ka kooban 13-xubnood oo loogu tala galay in ay hogaamiyaan Doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo dhawaan la filayo in ay ka dhacdo magaalada Dhuusomareeb.

Guddigan doorasho ayaa xubnaha Xildhibaanada Galmudug ku matala kooxda Ahlu Sunna waxaa laga siiyay 5-Xubnood ,halka inta kalana laga soo dhax xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug .

Kulan ay shalay isugu yimaadeen guddigan ayaa khilaaf kusoo dhamaaday kadib markii kooxda Ahlu Sunna ay dalbadeen in iyagu Hogaamiyaan guddiga, hasa ahaatee arintan waxaa ka hor yimid xubnaha kale ee guddiga oo sheegay in doorasho lagu kala baxayo.

Xubnaha Ahlu Sunna oo aaminsan hadii cod la qaado in aysan waxba heleyn maadaama laga baden yahay ayaa ku adkeestay in aysan cod ku kalsooneyn ayna doonayaan in si caadi loo siiyo Gudoomiyaha guddiga Doorashada Madaxweynaha.

Kulankii ay lahaayeen xunaha guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa shalay lagu kala tagay khilaafna kusoo dhamaaday, waxaana shalay la filay in guddiga hogaan yeeshaan soona saaraan jadwalka Doorashada.

Ahlu Sunna ayaa ku doodeysa in horey looga qaatay hogaanka guddigii maamulay doorashadii gudoonka Baarlamaanka Galmudug, waxa ayna hada ku adkeesanayaan in la siiyo hogaanka guddigan hada la magacaabay.

Khilaafkan ayaana dib u dhigay soo saarista jadwalka doorasha Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, waxaana hada arintan ku mashquulsan sidii xal looga gaari lahaa Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiinta dowlada ee Dhuusomareeb jooga.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeeniisa ayaa la filayaa hadii khilaafka hada jira xal laga gaaro in ay dhacdo isbuuca soo socda, waxaana magaalada Dhuusomareeb ka socda olole ay wadaan Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -