Xildhibaanado katirsan Baarlamaanka Galmudug oo Xilka ka qaaday Xareed Cali Xareed

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa xilka ka qaaday Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Kulanka Baarlamaanka waxaa shir Gudoominayay Cali Gacal Casir oo dhawaan Xildhibaano ku shiray magaalada Dhuuso Mareeb sheegeen in xilka ka qaadeen, waxaana kulanka soo xaadiray 48-Xildhibaan oo kamid ah Baarlamaankii hore ee Galmudug.

Xildhibaanada ayaa Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug ku eedeeyay arimo kala duwan ay kamid aheyd xilgudasho la’aan , waxa ayna ugu dambeyn codka kalsoonida kala noqdeen Xareed Cali Xareed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa sheegay in 48 Xildhibaan codka kalsoonida kala noqdeen Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlanaanka, waxa uuna sheegay Mr Gacal in aysan jirin cid aamustay ama cid diiday xil ka qaadista.

Maamulka Galmudug ayaa xiligan wajahaya xasarado siyaasadeed oo aad u xoogan, waxaana Xildhibaano kala fadhiya Dhuuso Mareeb iyo Cadaado siyaabo kala duwan xilka uga qaadeen Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -