Shirkii 3-aad ee Iskaashiga Amniga Puntland & Galmudug oo Gaalkacyo lagu qabtay (Sawirro)

Waxaa magaalada Gaalkacyo lagu qabtay shirkii 3-aad ee Iskaashiga Amniga Puntland iyo Galmudug, kaasoo ay shir guddoominayeen Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad, ayna ka soo qeybgaleen wasiirro, guddoomiyaasha gobolka Mudug iyo guddoomiyaasha Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ka soo qeybgaley taliyaasha hey’adaha amniga Gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo.

Shirka waxaa lagu dhageystay warbixinno dhanka amniga ah iyo heerka ay marayso iskaashiga iyo wada-shaqaynta hey’adaha amniga labada maamul ee Puntland iyo Galmudug iyo sidoo kale dadaalada lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha sare ee hey’adaha amniga gobolka Mudug iyo kuwa degmada Gaalkacyo waxay soo bandhigeen horumarka iyo waxqabadka wadajirka ah ee ay ku tallaabsadeen hey’adaha amnigo oo iskaashanaya, iyo burburinta shabakado argagixiso oo ka hawlgali jirey magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaasha gobolka Mudug ee labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa dhankooda ka warbixiyey horumarka dhanka dhaqaalaha, arrimaha isdhexgalka bulshada  iyo la shaqaynta hey’adaha amniga heer gobol iyo heer degmo.

Wasiirada Amniga Galmudug iyo wasiirka Arriimha Gudaha Puntland ayaa gabagabdii shirka bogaadiyey iskaashiga iyo wada-shaqaynta maamuladda iyo hey’adaha amniga labada dawladood ee Puntland iyo Galmudug, waxayna dardaaran ku bixiyeen in la sii xoojiyo wadashaqaynta, meelna looga soo wada-jeesto Alshabaab, sidoo kale  in si Wadajir ah loola dagaalamo maandooriyaha iyo kooxaha isticmaala, iyo kooxaha kale ee argagixisada u adeega ee ka shaqeeya fidno-abuurka iyo isku dirka bulshada.

Ugu danbayn waxaa shirku isku raacay in la sii joogteeyo shirarka iskaashiga amniga, wadashaqaynta hey’adaha amniga iyo xog-is-weydaarsiga arrimaha la xiriira argagixiasada iyo dhaqdhaqaaqyadooda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -