Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada oo hakiyay Saddex kursi oo dacwad laga gudbiyay

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada heer federaal ayaa goordhaw qoraal ay soo saareen waxa ay ku hakiyeen ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee kuraasta Golaha Shacabka HOP211, HOP209 iyo HOP201.

Saddexdan kursi ee dacwadda laga gudbiyay oo kamid ah kuraasta gobolada Wqaooyi ayaa dhawaan lagu doortay magaalada Muqdisho, waxaana kuraastan la hakiyay dacwad ka gudbiyay Nabadoon iyo musharax Xildhibaan.

Kuraastan dacwada laga gudbiyay waxaa ku jira kursigii uu ku fadhiyay Wasiirka Maaliyadda C/Raxmaan Beyle uuna dhawaan ku guuleestay Dr C/llaahi Xaashi Abiib , waxaana labada kursi kale loo doortay Caasho Koos Maxamuud iyo Maxamed Xuseen Haadi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -