Muxuu taliyaha Ciidanka lugta ku soo arkay furumaha dagaalka Sh/hoose? (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa Kormeer shaqo waxa uu ku tagay Difaacyada Ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin Degaanada Awdheegle, Bariire, Sabiid iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada Hoose.

General C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa mid mid u dul istaagay Difaacyada isagoo halkaasi kula kulmay Ciidan ku guda jira waajibaadkooda qaran.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka SoomaaliyaĀ  General C/Xamiid Maxamed DirirĀ  waxa uu ciidamada faray in ay u diyaar garoobaan Howlgal ka dhan ah Al-shabaab kaasoo looga xureynayo degaanada gobolka Shabellada hoose

Dowlada Somalia ayaa waxaa gobolka Sh/hoose ka jooga kumamaan askari oo ku baahsan degaano badan oo ay difaac kaga jiraan, iyagoo dagaalo kula jira kooxda Al-shabaab oo gobolka si weyn ugu xoogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -