Dowlad deegaanka Soomaalida oo xilkii ka xayuubiyey masuul ka hadlay arrin xasaasi ah

Wasiirka xafiiska arimaha xuduudaha Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta deegaanada dariska ah ay xadka ka wadaan inuu ku jiro damac dhul balaarsi ah gaar ahaan Oromada iyo Canfarta.

Cali Samrie Sigad ayaa sheegay in dhul ballaarisga ay wadaan Oramada iyo Canfarata uu dhaliyay khasaare xooggan isla markaana hadda khalkhal laga dareemayo caasimadda degaanka ee Jigjiga.

“Cadayn waxaa noogu filan Garbaciise iyo Cundhufo oo dad soomaliyeed ay 100% daganaayeen Canfartaa xoog ku qaadatey, Kaaga darane Labadii degmo ee ugu dambeysay ee Baarlamanka Deegaanka Soomaalidu ay u ansixiyeen dadkii galbeedka Sitti ka soo barakacay mid kamid ah (Dhuunyar) waa la qabsaday”ayuu yiri

Hadalkaas ka dib Xukuumadda degaanka Soomaalida ayaa shaqo joojin ku samaysay Cali Samiire ka dib qoraal ay soo saartay oo ku taariikhaysan shalay, taasoo ka dhigan in masuulkan xilka laga qaaday inta uusan hadlin.

Hase ahaatee dadka falanqeeya arrimaha dowlad degaanka Soomaalida ayaa aaminsan in warqadan xilka ka qaadista ah la qoray maanta, si ulakac ahna loogu taariikheeyey shalay si taasi loogu muujiyo in masuulkan xilka laga xayuubiyey inta uusan hadlin ka hor, waxayna qabaan in amarkan uu ka yimid magaalada Addis ababa.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -