Sambaloolshe oo DF siiyey Saddex talo oo lagu xakameyn karo weerarada Al-Shabaab

Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ahaa Taliyihii hore ee hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa ka hadlay qaraxyada joogtada ah ee Al-Shabaab ku weerarayaan injineerada Turkiga ah ee dhisaya wadada laamiga ah ee xariirisa Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasoo mudooyinkan sii kordhay.

Waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga ay tahay tan kaliya ee dhisme dhan walba leh oo muuqda dalka ka fulisa, hadii ay dowladda Somalia xakameyn weyso weerarrada ku wajahana ay abuuri karto in la hakiyo mashaariicda ka socda caasimada dalka.

“Al-Shabaab waxay mar walba beegsadaan cid kasta oo ay u arkaan inay horumar ka wado dalka, si ay caalamka uga niyad jebiyaan ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalkan burburay, sidaas awgeed waxaa looga baahan yahay DF iney la timaado qorsheyaal amni oo dhaxalgal ah” ayuu yiri Sanbaloolshe

Waxaa uu sheegay in dowladda Turkiga ay hadaf fog ka leedahay dhismaha dalka, dhul dheerna ay uga timid, si fududna aysan uga niyad jabeyn dib u dhiska ay ka wado Soomaaliya, balse ay macquul tahay iney siyaasad kale qaataan hadii weerarada loo maaro waayo.

“DF waa inay wax ka bedesho nidaamka sugidda amaanka dalka, ayna qaado sadex talaabo oo kala ah, In Al-Shabaab caqiido lagula diriro, in dagaalka Al-shabaab lagu wajaho kacdoon shacab, iyo in hey’adaha ammaanka loo dhiibo dad aqoon u leh, ciidamada dalka u dhimanayana xuquuq fiican meel loo saaro” ayuu yiri Sanbalooshe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -