Raggii loo heystay dilka & kufsiga Hodan Shanlayste oo xukun lama filaan ah lagu riday

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa sii deysay lix ka mid ah todoba nin oo loo heystay fal isugu jira dil iyo kufsi.

Lixda nin oo sida Maxkamadu sheegtay lagu waayey dambigii lagu soo eedeeyey ayaa muddo sanad ka badan ku xirnaa xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe.

Maxkamadda ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyay todobada eedaysane, loona adeegsaday shaybaarka dambiyada DNA-da uu soo saaray natiijo muujineysa ineysan ku lug laheyn dilka iyo kufsiga loo soo xiray.

Ehelada haweeneyda la dilay ayaa diiday go’aanka maxkamadu ku sii deysay lixda nin, waxayna sheegeen in la dayacay kiiskaas, maxkamaduna ay ku kacday cadaalad daro.

Waxaa xabsiga lagu sii hayn doonnaa  eedeysanaha 7-aad oo horey u qirtay inuu ku lug lahaa falkaasi.

Dil iyo kufsi sanad ka hor loo geystay Haweeney lagu magacaabi jiray Hodan Axmed Maxamed Shanlayste ayaa loo soo xiray raggan kaasoo ka dhacay magaalada Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -