Dowlada Turkiga oo shaacisay tirada Turkida & Soomaalida ku waxyeelowday qaraxii Afgooye

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay tirada Soomaalida iyo Turkida waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Wasiirka  Caafimaadka dowlada Turkiga Fahrettin koca ayaa sheegay in 15 qof ay ku dhaawacmeen qaraxaas, kuwaasoo iskugu jira 9 Soomaali ah iyo lix Injineer oo u dhashay dalka Turkiga.

“Injineerada Turkiga ah ee dhaawacmay waxaa lagu daweynayaa isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho, waxaana lala tacaalayaa labo ka mid ah oo xaaladooda ay aad u liidato” ayuu yiri Wasiirka.

Fahrettin koca ayaa intaas ku daray in sidoo kale afar ka mid ah dhaawacyada Soomaalida ay iyana xaaladooda liidato, ayna wadaan la tashiyo ku aadan sidii ay ugu soo diri lahaayeen dayuurad caafimaad hadii loo baahdo.

“Waanu cambaareynaynaa qaraxaasi argagaxisanimo iyo kuwii fuliyey intaba, nagamana joojinayo howlihii aanu u heynay bulshada Soomaaliyeed iyo mashaariicda aanu halkaas ka wadno” ayuu intaas ku daray Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo la hadlay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu Agency.

Dowlada Somalia ayaa weli wax war ka soo saarin qaraxan oo qeyb ka ah weeraro isdaba joog ah oo lagu hayo shaqaalaha Turkiga ee dhismaha ka wada wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

28-kii bishii Disembar ee sanadkii hore ayey aheyd markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay isgoyska Ex-control Afgooye kaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow boqol qof oo ay ku jireen labo injineer oo u dhashay dalka Turkiga, waxaana qaraxyadan sheegatay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -