Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Yuusuf Dabageed oo sheegay in markii 3-aad lagu soo weeraray Belad-weyne

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa shir jaraa’id ku sheegay in markii saddexaad lagu soo weeraray xarunta maamulka gobolka ee ku taalla magaalada Beladweyne.

Dabageed ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid la doonayay in xarunta looga saaro, hase ahaatee sida uu hadal u dhigay ay iska diideen shacabka magaalada.

“Weerarkaa waxaa ku lug lahaa dad Soomaaliyeed iyo ciidamo ajnabi ah, wuxuuna ahaa weerar afgambi, laakiin waan ka guuleysanay’’ ayuu yiri Yuusuf Dabageed guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in bulshada reer Hiiraan looga baahan yahay inay aayahooda ka tashadaan, talladana gacantooda lagu soo celiyo.

Hadalka Dabageed ayaa imanaya xili maanta ciidamada AMISOM ay hareereeyeen xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne ka dib ay yeesheen Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo saraakiisha howlgalka midowga Africa AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo maalmo kadib ku laabtay Kismaayo laguna soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Siyaasi kasoo jeeda Xawaadle oo loo balan qaaday Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo Lacag

admin
Taboola Ads ---