Ra’isul Wasaaraha Britain oo dhaleeceyn kala kulmay ficil uu sameeyay (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Britain Boris Johnson , ayaa dhaleeceyn xoogan kala kulmay ficil uu sameeyay xili uu kulan la qaadanayay Madaxweynaha dalka Faransiiska  Emmanuel Macron.

Boris Johnson oo wadahadal magaalada Paris kula lahaa Madaxweynaha Faransiiska ayaa muuqaal laga qaaday isaga oo lugta saaray miis yar oo dhax yaalay labada masuul, waxa ayna taasi dhalisay hadal heyn badan oo baraha bulshada iyo Warbaahinta.

Dad badan oo sawirkan soo dhigay baraha bulshada ayaa ku dhaleeceeyay Ra’isul Wasaaraha dalka Britain isaga oo marti ah in uu sameeyay xushmad daro iyo talaabo aan fiicneyn.

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaana sawirkan si weyn loogu baahiyay, waxaana inta badan dadkii ka aragti dhiibtay ay dhaleeceyn dusha ka saareen Ra’isul Wasaaraha cusub dalka Britain Boris Johnson halka kuwa kalana ay ku tilmaameen wax iska caadi ah.

Muuqaalka iyo sawirada laga qaaday Ra’isul Wasaaraha Britain oo miiska lugta saaraya ayaa la sheegay in uu ka dhashay kaftan ka yimid Madaxweynaha Faransiiska oo Boris u tilmaamaya in cagta la saari karo miiska sidaasna ku saaray Ra’isul Wasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -