Raisul Wasaare khayre oo hakiyey Mashruuc ku kacaya 112 milyan oo dollar (Sababta)

Raisul Wasaaraha Somalia Xasan Calin Khayre ayaa la sheegay inuu hakiyey mashruuc ku kacaya 112 milyan oo dollar kaasoo loogu talo galay in mashaariic dib u dhis ah looga fuliyo afar magaalo oo ku yaalla dalka.

Lacagtan ayaa markii hore loo qeybiyay maamulada Banaadir, Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed, waxaana maamul kastan lacagtan kaga soo aadeysay 28-milyan oo dollar.

Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ayaan lacagtan haba yaraatee waxba laga siin, lamana cadeyn sababta labadan maamul looga reebay, balse warar laga helayo ilo kalsoon yahay ayaa sheegaya in lacagtan gebi ahaanba uu hakiyey raisul wasaaraha dalka oo sheegay in lagu sameynayo dib u habeyn.

Wararka laga helayo xafiiska RW ayaa sheegaya in marka qorshaha lacagtan dib loo habeeyo la fasixi doono, iyadoo la filayo in lagu soo daro qorshaha labada maamul goboleed ee ka maqan.

“Iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada. Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada”  ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska RW khayre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -